Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen oo uu Wehliyo Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa Waxay Magaalada Baydhabo Tababar ugu soo Xereen Dufcadii 6aad Ee Lagu Tababaro Dugsiga Tababarka Qeybta 60 aad CXDS Ee Magaalada Baydhabo,
Munaasabadda Tababarka loogu soo Xerayay Waxaa Ku Sugnaa Taliye Xigeenka CXDS Gen.Cabaas Amiin ,Taliyaha Qeybta 60 aad CXDS Gen.Maxamed Sheekh Cabdullahi Ciirow iyo Safiirka Dowladda Uk Ee Soomaaliya Ambassador Kate Foster ,
Taliyaha Qeybta 60 aad iyo Taliye Xigeenka CXDS oo munaasabadda ka hadlay ayaa tilmaamay in DFS dadaal Xoogan ay galisay dib-u-dhiska CXDS iyo Tayeyntooda .
Safiirka Dowladda Uk Ee Soomaaliya Kate Foster ayaa Sheegtay in Dowladeeda ay diyaar u tahay ka qeybgalka Tababaridda CXDS ,iyadoo Xustay in Dagaalka ka dhanka ah argagixisadda ay Ku gacansiin doonaan Soomaaliya,
Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Xuseen Xaaji ayaa tilmaamay in Dowlado dhowr ah oo ay ka mid tahay UK ay DFS ka Codsadeen in laga gacansiiyo Tababaradda Ciidanka taas oo uu sheegay in UK ay ku mahadsantahay Sida ay ugu qeybqaadatay Taageeridda iyo Tababaridda Cutubyo ka Tirsan CXDS gaar ahaan qeybta 60 aad, Waxaana uu tibaaxay in DFS ay ka go’antahay Tayeynta Ciidamada Qalabka Sida ,isagoo Xusay in uu u hambalyeynayo Cutubyada Maanta ku soo biiray CXDS ee Tababarka loo soo xeray,
Ugu dambeyntii Madaxweynaha KGS Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Cutubyadan maanta Tababarka loo Soo xeray u sheegay in ay u diyaar garoobaan dagaal ka dhan ah argagixisadda ,Waxaa kaloo uu Sheegay in looga baahanyahay in ay u istaagaan Difaaca dalkood ,diintooda iyo dadkooda ,
Sidoo kale Madaxweyne Lafta-gareen ayaa tilmaamay in DFS iyo KGS ay u istaagayaan qalabeynta iyo tayeynta Ciidanka XDS si loo Ciribtiro argagixisadda.

































