Madaxweyne Laftagareen oo Dhagax-Dhigay Xarunta Tababarada Macallimiinta ee Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa si rasmi ah u dhagax-dhigay xarunta cusub ee Tababarada Macallimiinta Koonfur Galbeed. Xaruntan ayaa laga dhisi doonaa magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel gaarka ah ee dowlad goboleedka.

Munaasabadda dhagax-dhigga oo si heer sare ah loo agaasimay ayaa waxaa Madaxweynaha ku wehelinayay Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee Koonfur Galbeed, Marwo Zahra Cusmaan Axmed, Guddoomiyaha Degmada Baydhabo ahna Duqa Magaalada, Mudane Cabdullaahi Cali Watiin, iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan maamulka.

Xarunta cusub ee la dhisayo ayaa noqon doonta mid casri ah oo loogu talagalay in lagu tababaro macallimiinta Koonfur Galbeed, iyadoo ay ka kooban tahay qeybo kala duwan oo dhammaan ka jawaabaya baahida sare ee tayeynta waxbarashada gobolka.

Mashruucan cusub ayaa lagu wadaa inuu sare u qaado tayada waxbarashada Koonfur Galbeed iyadoo la diyaarinayo macallimiin aqoon iyo xirfad leh, si ay mustaqbalka u hoggaamiyaan jiil waxbartay oo horumariya deegaanka.