Madaxweyne Laftagareen Oo dib ugu laabtey Baydhabo(Sawirro)

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya
Amb. Dr. Ali Said Faqi ayaa wafdi uu hogaaminaayo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed lafta-gareen kusoo dhaweyay garoonka diyaaradaha Shaati-Gaduud ee Magaalada Baydhabo,

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa mudo ku dhow Todobaad waxaa uu Howlo shaqo ugu Maqanaa Gobolka Bakool.

Soodhaweynta Madaxweynaha ayaa waxaa qeyb ka ahaa wasiiro, Xildhibano , Odayaasha dhaqanka , Saraakiisha Ciidamada , iyo Ururada bulshda ra’idka Magaalada Baydhabo iyo Mas’uliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed.