Madaxweyne Laftagareen Oo dib ugu soo laabtey Baydhabo

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gelinkii dambe Maanta Dib ugu soo laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta ku-meel gaarka uah Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ka dib Safar shaqo oo Maalmo qaatay oo ugu maqnaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Socdaalkiisa Magaalada Muqdisho waxa uu ahaa sidii Garwadeen uga noqon lahaa khilaafka udhaxeyey Ra’iisul wasare Rooble iyo Madaxweyne Farmaajo oo ugu Dambayn Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ku guulaystay in khilaafkaas ay ka heshiiyaa Madaxda ugu saraysa Dalka.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Labada Golle Dowlada,Saraakiisha Laamaha Amniga,Maamulka Gobolka kan Degmada Baydhabo iyo Qeybaha kala duwan ee Bulshada uga Mahadceliyey soo dhoweynta ay usameeyeen.

“waan idinkaga mahadcelinayaan soo dhoweynta wanaagsan ee aad iisamayseen safarka aan ugu maqnaa magaalada muqdisho waxa uu ahaa sidii aan garwadeen uga noqon lahaa sidii ay uheshiin lahayeen ra’isul wasaaraha xfs mudane maxamed xuseen rooble iyo madaxweynaha jamhuuriyada federaalka soomaaliya mudane maxamed cabdulaahi farmaajo oo ugu dambayn ilaah inagu garab galay inay is fahmaan oo ay heshiiyaan labada mas’uul ugu saraysa dalka,sido kale kulamada aan muqdisho kula qaatay qaar kamid ah danjiriyaasha waxaan uga wada hadalnay sidii loo dardargelin lahaa doorashada xubnaha aqalka hoose ee baarlamaanka soomaaliya iyo la dagaalanka argigixisada alshabaab.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xusay in kan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ahaan ay ka goan tahay in sida ugu dhow ay ubilaabaan Doorashada Gollaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.