Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa Maanta dib ugu so laabtay Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay.
Madaxweyne Laftagareen ayaa Todobaadyadii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Muqdisho isagoona halkaasi uga qeybgalayey Shirarkii Dowlad Fedaraalka Soomaaliya iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada Dalka ee dhawaan lagu go,aamiyey Nooca Doorasho ee ka dhacaysa Dalka,
Madaxweynaha Koonfur Galbeex Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xassan Maxamed Laftagareen ayaa sidoo kale magaalada Muqdisho kulamo kula soo qaatey Xilibaanada DFS ka soo gala Deegaanada Koonfur Galbeed iyo kulamo kale oo uu lasoo qaatey Siyaasiin iyo Waxgarad iyo Xisbiyada siyaasadeed ee Dalka iyo Ururada Bulshada Rayidka,
















