Madaxweyne Laftagareen Oo Hambalyo u direy Shacabka Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa ugu hambalyeeyay Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed munaasabadda barakaysan ee Ciidul Adxa.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay inay isku kaalmeeyeen Fadliga Maalmaha Carfo Awgeeda.

“Waxaan ku boorrinayaa dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xujeyda Soomaaliyeed ee qorshaynayey sannadkan in ay gutaan rukniga xajka ay beddelkiisa ku dadaalaan bixinta sadaqada iyo kaalmaynta dadka danyarta ah oo iyaduba ka mid ah acmaasha ugu wanaagsan ee Rabbi loogu dhawaado.”

Madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa farriin iyo hambalyo gaar ah u diray Ciidamada Qalabka Sida ee naftooda u huraya difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Madaxweyne Laftagareen ayaa ummadda Soomaaliyeed u rajeeyay in ay sannadkan sannadkiisa ku gaaraan horumar, barwaaqo, amni iyo isku duubni, isagoona ku dhiirri-geliyey dib u dhiska dalka, xoojinta dowladnimada iyo la dagaallanka cadawga u taagan dhibaateynta dadka Soomaaliyeed.