Madaxweyne Laftagareen Oo kulan la Qaatay Cesar Arroyo oo ah Madaxa Hay’adda WFP Qeybta Bariga Africa[SAWIRO]

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed(Lafta-gareen) oo Maalmahan Howla Shaqo u jooga Dalka Kenya Gaar ahaan Caasimada Nairobi ayaa kulan la Qaatay Cesar Arroyo oo ah Masuulka ugu Sareeyo Hay’adda WFP Qeybta Bariga Africa Waxaa Qeyb ka ahaa Kulanka Wasiirka Mareynta iyo Masiibooyinka DFS Dhigiisa Koonfur Galbeed iyo Xubno Kale.

Muhiimada Kulanka Waxa uu ahaa Xoojinta Howlaha Shaqo ee Hay’adda ay Ka wado Guud ahaan Dalka Gaar ahaan Deegaanadda Koonfur Galbeed Waxaana Madaxa Hay’adda WFP Cesar Arroyo uu Warbixin Kooban Ka Bixiyey Waxqabadka Hay’adda iyo Qorshahooda Sanadkan iyo Sida ay u gaarsiiyeen Rashiinka Dadka Danyarta ah ee Ku Nool Gobolada Koonfur Galbeed.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Umahadceliyey Madaxa Hay’adda WFP Qeybta Bariga Africa iyo Shaqaalaha Waxaana uu Sheegen in loobahanyahay in Lasii Kordhiyo Howlaha Shaqo Hay’aada ay kawada Gobolada Baay,Bakool,iyo Shabeelaha Hoose.

Dhanka Kale Madaxweynaha DGKGS Ayaa ka Dalbaday Hay’adda WFP in gar-gaar ay lasoo gaaraan dadka ka soo barakacay Deegaanka Toos weyne oo hoos yimaada Degmada bardaale ee Gobolka bay kuwaas oo ku kala sugan degmooyinka berdaale iyo Baydhabo Madaxa ha’adda WFP ayaa dhankiisa madaxweynaha ubalanqaadey in sida uga dhaqsiyaha badan ay gar gaar soo gaarsin doonaan dadka barakacyaasha ah.

Ugu danbeyntii Masuulka ugu Sareeyo WFP Qeybta Bariga Africa ayaa Balan Qaaday iney Balaarin Doonaan Xarunta Baydhabo ay ku leeyihiin asagoona tilmaamey in ay tayeeyn Doonaan Shaqaalaha xarunta baydhabo.