Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Xarunta Madaxtooyada Magaalada Xudur ku Qaabilay Ururada Haweenka Gobolka Bakool oo ka dhagaystay baahiyaha ay qabaan iyo ka qeybqadashada hormarka Gobolka iyo Xaqiijinta Amniga.
Ururada Haweenka Gobolka Bakool ee ka qeybgalay kulanka ayaa Madaxweynaha Warbixin ka siisay Doorka Haweenka ee ka qeyb-gadasha Amniga iyo Hormarka.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Haweenka Gobolka Bakool uga Mahadceliyey Dadaalkooda ku aadan Dowlad dhiska iyo ka shaqaynta Amniga.
“waxaan idinku amaanayaa sida aad naftiina ugu hurteen la shaqaynta laamaha amniga si dhibaatada argigixisada looga dulqaado shacabka ku nool gobolka bakool,baahiyaha aad soo gudbiseen sida ugu dhow ayaan wax uga qaban doona, hormarka iyo amniga gobolka qof waliba ayaa mas’uuliyad ka saarantahay, waxaa naga go’an in sida ugu dhow aan ufurno wadooyinka bulshadana ay uhelaan waxa ay ubaahanyihiin.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Caawa Qasriga Madaxtooyada Degmada Xudur ka wado kulamo kala Duwan oo uu la qaadanayo Bulshada iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka.
DHAMAAD
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA WARBAAHINTA MADAXTOOYADA DOWLAD GOBOLEEDKA KOONFUR GALBEED.














