Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Konfur Galbeed Mudane Cabdi Casiis xasan Maxamed (Lafta~gareen) oo wehlinayey Wasiirka Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka konfur Galbed Mudane Maxamed Xuseen Xasan (John) ayaa xariga ka jaray xarunta Maxakmadaha Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo si isxilqaan ah lagu dhisey,
Wasaarada Caddaalada iyo Garsoorka Konfur Galbed oo hormuud u aheyd hal abuurka iyo hirgelinta xarunta maxkamadaha Xudur ayaa bulshada reer konfur galbeed ku dhiiro gelisey in si isxilqaan ah wax walba lagu hirgelin karo hadii bulshada ay isku-tashi sameeyaan dhismahaha maxkamadaha Xudur-na ay suurto geliyeen bulshada reer konfur galbeed.






















