Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo Maanta Qado Sharaf u sameeyey Odeyaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa uu kala Hadlay sidii loo billaabi lahaa soo xulista Xilibaanada Cusub ee dhawaan ay yeelaneyso Koonfur Galbeed,
Madaxweynaha ayaa Odayaasha kalahadley isla markaana ku wargeliyey In ay soo Xaroodan si loo Bilaabo So Xulista Baarlamanka Koonfur Galbeeed Soomaaliya.
Qado Sharafta kadib waxaa warbaahinta la hadley oo u faahfaahiyey Waxyaabaha ay kawada hadleen Odayaasha iyo Madaxweynaha Afhayeenka Malaaqyada Koonfur galbeed Malaaq Deerow.
Sida uu qorshaha yahay waxaa dhawaan deegaanadan Koonfur Galbeed Soomaaliya la filayaa in ay ka bilowdaan soo xulista Xilibaanada Cusub ee ay yeelaneyso dhawaan Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasi oo badalaya Xilibaanadii hore ee Maamulkii Shariif Xasan.
Halakan hoose ka daawo muuqaalka














