Madaxweyne Laftagaren Oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Xuska 26ka June

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Magaalada Muqdisho kaga qeybgalay Munaasabada 26-Juun 61-guuradii kasoo wareegatay Markii Gobolada Waqooyi ay Xurnimada qaateen.

Madaxweyne Laftagareen”Waxaan caawa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda dalka Soomaaliya uga qeybgaley Munaasabadda Xuska 26-Juun ee Kasoo wareegatay 61-Sano Guuradii markii ay Xoriyadda qaateen Gobolada Waqooyi ee Dalkeena, Dhammaan Umadda Soomaaliyeed gaar ahaan Shacabka Koonfur Galbeed Hambalyo.