Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya Mudane Shariif Xassan Sheikh Aadan ayaa xaley magaalada Nairobi ee Caasimadda Dalka kenya Kula kulmey Jaaliyada ka soo jeeda Koonfur galbeed ee Ku sugan Dalkaasi kenya.
Waxaana ay sheegeen in ku faraxsanyihiin la kulankiisa Madaxweynaha ayaa uga waramey Meesha ay wax marayaan isgoona u sheegey in Dalk uu ka soo kabanayo 28kii sano ee Bur burka uu ku jirey gaar ahaan Dowlad Goboleedka uu haatan asaga uu Madaxweynaha uu ka yahay.
Madaxweynaha ayaa ku dhiira galiyey dhalinyarada In ay Deegaanadoodii Horumarkooda ka shaqeyaan Hogaanka mustaqbalkana waa adinka ayuu yiri Madaxweyne shariif Xassan”
Dhalinayarada aya Madaxweynaha ka dalbadey in uu mar kale uu isa soo sharaxo oo uu hogaamiyo Maamulka koonfur Galbeed Soomaaliya iyagoona Amaaney waxqabadka Mudadii Uu xilka hayey.
Wuxuuna ka balan qaadey in uu mar kale uu isa soo sharixi doono Hadii la doortana Howsha meesha uu ka sii wadi Doono.
Kulanka aya ku soo cidlaadey jawi aad u fiican iyadoona la isugu baaqey in laga wada shaqeeyo sidii Dalka uu horumar u gaari lahaa Gacmahana la is qabsado.


















