Madaxweyne Xasan Sheekh oo gaarey dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa gaaray magaalada Addis-Ababa ee dalka Itoobiya, halkaas oo uu kaga qeyb galayo Shirweynaha Qaramada Midoobay ee Sugnaanta Cuntada Adduunka. Shirkan oo ah mid heer caalami ah ayaa waxaa isugu yimid hoggaamiyeyaal iyo wufuud sare oo ka kala socda dalal badan oo caalamka iyo gobolka ah, si ay uga wada hadlaan caqabadaha la xiriira sugnaanta cuntada, wax ka qabashada macluusha, iyo horumarinta nidaamyada cuntada waara.

Inta uu ku sugan yahay magaalada Addis-Ababa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo la qaato madaxda dalalka ka qeyb galaya, kuwaas oo uu kala hadlayo arrimo la xiriira iskaashi, horumar dhaqaale, amni, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay beesha caalamka.

Waxaa si gaar ah isha loogu hayaa kulanka uu Madaxweyne Xasan Sheekh la yeelan doono Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Mudane Abiy Ahmed. Labada hoggaamiye ayaa la filayaa inay ka wadahadlaan arrimaha khuseeya xiriirka labada dal, gaar ahaan dhinacyada ganacsiga, nabadgelyada xuduudaha, iyo xaaladda guud ee Geeska Afrika, iyadoo ay jiraan xiisado siyaasadeed iyo is faham la’aan ku saabsan arrimo dhowr ah oo labada dhinac quseeya.

Booqashada Madaxweynaha iyo ka qeyb-galka shirkan ayaa loo arkaa fursad muhiim u ah Soomaaliya si ay codkeeda uga maqashiiso fagaarayaasha caalamiga ah ee la xiriira amniga cuntada, waxayna muujineysaa sida dowladda Federaalka uga go’an tahay in ay door muuqda ka ciyaarto arrimaha muhiimka ah ee heer gobol iyo caalami.