Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kormeer ku tagay markabka “Oruc Reis” oo ku howlan baarista shidaalka xeebaha Soomaaliya, kadib markii si rasmi ah loo soo gabagabeeyay wejiga sahanka shidaalka.
Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyay hawl-wadeennada iyo bahda iskaashiga Turkiga dadaalkooda istiraatiijiga ah ee sahankan, isagoo xusay in natiijada baaristu ay noqonayso mid wax ka beddeli karta xaaladda dhaqaale ee dalka iyo xiriirka laba-geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.
“Tani waa guul muhiim ah oo xoojinaysa yoolkeenna ah in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iideysato kheyraadkeeda dabiiciga ah, una beddesho fursado dhaqaale iyo horumar bulsho. Dowladda iyo shacabka Turkiga mar walba waxay hormuud u yihiin tallaabooyinka muujinaya in Soomaaliya ay tahay dal la maalgashan karo,” ayuu yiri Madaxweynaha.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay dadaalka dowladda Federaalka ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka iyada oo loo marayo ka faa’iidaysiga khayraadka dabiiciga ah ee hodanka ay ku tahay Soomaaliya, kuwaas oo haddii si hufan loo maareeyo, dabooli kara duruufaha dhaqaale iyo horumarineed ee ka jira dalka.














