Magaalada Muqdisho iyo guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya ayaa xalay si weyn looga xusay munaasabadda 65-guurada kasoo wareegtay xorriyaddii Gobollada Waqooyi ee dalka, taasoo ku beegan 26-ka Juun 1960-kii, xilligii gobolladaasi ay ka xoroobeen gumeystihii Ingiriiska.
Xuska maalintan qaran ayaa si rasmi ah uga dhacay xarunta gobolka Banaadir, iyadoo ay kasoo qeybgaleen madaxda sare ee dalka, xildhibaannada labada Aqal, saraakiil ciidan, ururrada bulshada rayidka ah iyo qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeybgalay munaasabadda xalay ayaa khudbad uu jeediyey ku sheegay in dowladnimada Soomaaliya ay soo martay marxalado adag oo ay kamid yihiin kalitalisnimo, ku tagrifal awoodeed iyo maamul xumo. Wuxuu muujiyey baahida loo qabo in la helo midnimo dhab ah oo horseedi karta dib-u-dhis qaran oo xasilloon.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale maanta ubax dhigay taallada Dhagax-Tuur ee magaalada Muqdisho, taasoo qeyb ka ah xuska maalinta xorriyadda. Munaasabadda ubax-dhigga waxaa ka qeybgalay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Dr. Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), wasiirro, saraakiil ciidan, iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Dhanka kale, magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland ayaa iyana lagu xusay 26-ka Juun, iyadoo uu ka hadlay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Cirro, kaasoo mar kale ku celiyey baaqiisii ahaa in caalamku aqoonsado madax-bannaanida Somaliland.
Xilli saacadda ay ahayd 12:00 habeenimo, calanka buluugga ah ee Soomaaliya ayaa laga taagay goobaha lagu qabtay munaasabadaha, marka laga reebo deegaannada Somaliland.
Munaasabaddan ayaa xasuus u ah halgankii gobonimo-doonka Soomaaliyeed ee horseeday midnimadii labada gobol ee Koonfur iyo Waqooyi, taasoo dhidib u aasay dhismaha qaran Soomaaliyeed oo mideysan.














