Madaxweyne Xasan Sheekh oo safar ku gaarey dalka Masar.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Qaahira ee caasimadda dalka Masar, halkaas oo uu ku tegay safar shaqo oo rasmi ah. Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si weyn uga qeyb galay mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Masar, kuwaas oo muujiyay sida ay u qiimeeyaan xiriirka labada dal.

Inta uu joogo dalka Masar, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la kulmi doona dhiggiisa Jamhuuriyadda Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Sisi. Kulankan ayaa lagu wadaa in diiradda lagu saaro xoojinta xiriirka labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha, waxbarashada, iyo arrimaha gobolka Geeska Afrika. Labada hoggaamiye ayaa sidoo kale ka wada hadli doona sidii loo xoojin lahaa iskaashiga istiraatiijiyadeed iyo sidii loo horumarin lahaa iskaashiga labada dal ee dhinacyada kala duwan.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Dowladda Masar soo dhaweynta diirran iyo martigalinta qaran ee ay u sameeyeen wafdiga Soomaaliya, taasoo muujinaysa xiriir qotodheer oo ka dhexeeya labada dal iyo labada shacab. Safarkaan ayaa qayb ka ah dadaallada diblomaasiyadeed ee Soomaaliya ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay dalalka gobolka iyo kuwa caalamka si loo gaaro nabad, xasillooni, iyo horumar waara.