Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta gaaray deegaanka Haawaay ee gobolka Shabeellaha Dhexe, isaga oo hoggaaminaya wafdi ballaaran oo ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa si diirran loogu soo dhaweeyay deegaankaasi, waxaana halkaas ku qaabilay Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Guudlaawe Xuseen, iyo mas’uuliyiin kale oo heer dowlad-goboleed iyo heer federaal ah.
Socdaalka Madaxweynaha ee Haawaay ayaa salka ku haya hirgelinta mashaariic horumarineed oo waaweyn oo laga fulinayo deegaanka, kuwaas oo ka mid yihiin Garoon Diyaaradeed oo Caalami ah, Dekad Cusub oo laga dhisayo xeebta deegaanka, iyo Xarun casri ah oo Dayax-gacmeedyo lagu maamulo, taas oo lagu wado in ay xoojiso isku socodka gobolka iyo guud ahaan dalka, isla markaana kor u qaadda adeegyada tiknoolajiyadda iyo isgaarsiinta.
Intii uu ku sugnaa Haawaay, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa kormeeray goobaha laga dhisayo garoonka iyo dekedda cusub, isagoona warbixin rasmi ah ka dhageystay shirkadda dhismaha ee ka shaqeyneysa mashruucyadaasi. Kormeerka Madaxweynaha ayaa muujiyay sida ay dowladda uga go’an tahay in dalka laga hirgeliyo mashaariic waaweyn oo horumarineed oo la taaban karo, si loo xoojiyo kaabeyaasha dhaqaalaha, loo kobciyo ganacsiga, loona fududeeyo isu-socodka dadka iyo badeecadaha.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale la filayaa inuu kulamo la qaato qeybaha kala duwan ee bulshada deegaanka Haawaay, isagoo dhegaysan doona aragtidooda ku aaddan horumarka socda, islamarkaana dhiirrigelin doona ka-qaybgalka bulshada ee ilaalinta amniga iyo ka shaqeynta horumarka deegaanka. Safarkan ayaa noqonaya mid muhiim u ah dadaallada dowladda ee ku aaddan dhismaha dowladnimada iyo gaarsiinta adeegyada bulshada dhamaan gobollada dalka.














