Madaxweyneyaasha K/Galbeed iyo Puntland Oo Kulan Gaar Ah Yeeshay

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa xalay kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan Muqdisho.

Kulanka dhexmaray labada Madaxweyne Laftya-gareen iyo Saciid Deni ayaa waxaa uu ahaa mid looga hadlay Arrimo kala duwan oo ay kamid yihiin xaaladda siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka ah iyo arrimaha Doorashooyinka dalka ee 2020/2021.