Madaxweynihii hore ee DDS oo manta maxakamad lasoo taagey

Madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markale waxaa la soo taagay Maxkamada ku taalla Magaalada Addis-Ababa ee Caasimadda Itoobiya.

Cabdi Maxamuud Cumar ayaa fadhiga Maxkamada ka sheegay in intii uu maamulayay dowlad deegaanka soomaalida uusan geysan wax dambi ah,isla markaana si wanaagsan uu u maamulay dadkiisa.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in isaga uu haatan doonayo in la siidaayo oo xurriyadiisa la siiyo,maadaama uusan dadkiisa ka gelin wax dambi ah sida uu hdalka u dhigay.

Intaasi kadib Maxkamada ayaa amar waxaa ay ku bixisay in Xasbiga dib bloogu celiyo,sidoo kalena la soo badnhigo Magacyada iyo sawirada 7 Ruux oo kale,kuwaas oo lagu eedeeyey falal isugu jira, dil, kufsi, barakicin,kuwaas oo ka dhacay Magaalada Jigjiga.