Mahad Salaad oo magacaabis sameeyey.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka (NISA), Mahad Maxamed Salaad, ayaa sameeyay isbeddello culus oo ku saabsan qaar kamid ah talisyada hay’adda, kuwaas oo si gaar ah u taabanaya talisyada muhiimka ah sida Gobolka Banaadir, Garoonka Aadan Cadde, iyo Taliska Ilaalada Shacabka.

Isbeddelladan ayaa imaanaya xilli uu Agaasimaha NISA dib u soo celinayo saraakiil uu si dhow ula soo shaqeeyay intii uu xafiiska joogay labadii sano ee la soo dhaafay.

Taliyeyaasha la magacaabay ayaa waxaa ka mid ah:

  • Kaaliyaha Agaasimaha NISA: Waxaa loo magacaabay Aadan Maxamed Cumar (Aadan Dheere)

  • Taliyaha NISA ee Gobolka Banaadir: Waxaa xilka laga qaaday Cabdifitaax Shaweey, waxaana lagu beddelay Liibaan Axmed Gacameey

  • Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde: Cabdulqaadir Xaayow ayaa xilka laga qaaday, waxaana dib loogu soo celiyay Hamdi Xasan, oo horey u soo qabatay xilkan

  • Taliyaha Ilaalada Shacabka (Dharcada): Waxaa xilka laga qaaday Ibraahim Hiraabe, waxaana loo magacaabay Macallin Salaax, oo horey u soo qabtay xilkan

Sidoo kale, Agaasimaha NISA Mahad Salaad ayaa Raage Cali Maxamed u magacaabay Agaasimaha Howlgalada Hey’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka (NISA).

Tallaabadan ayaa loo arkaa in Agaasimaha NISA uu kalsooni buuxda ku qabo shaqsiyaadka cusub iyo kuwa dib loo soo celiyay. Isbeddelladan ayaa imaanaya xilli uu dalka ku jiro marxalad siyaasadeed oo cakiran, iyo dagaal weli socda oo ka dhan ah maleeshiyaadka Al-shabaab.

Waxaa la filayaa in isbeddelladan ay wax ka beddeli doonaan habka ay u shaqeyso NISA, iyadoo diiradda la saarayo sugidda amniga garoomada, shacabka, iyo guud ahaan Gobolka Banaadir.

Waxaa sidoo kale suurtagal ah in isbeddello kale oo la xiriira taliyeyaal dheeraad ah uu imaan doono.