Waxaa Maanta lagu guuleystay in la kala qaado laba maleeshiyo beeleed oo dhawaan ku dagaalamay Duleedka Waaqooyi Galbeed ee Magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Guddoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq, Wasiir kuxigeenka Gaashaandhiga, Wasiiru Dowlaha Cadaalada, Santaro, Wasiiro iyo xildhibaano katirsan Hir-Shabelle, ayaa kormeeray Goobaha Ciidan beeleedkii lagu kala qaaday iyo halka la kala geeyay.
Maalmihii la soo dhaafay ayaa waxaa Mavaalada Beledweyne ka socday shir lagu heshiisiinayay labada Beelood, waxaana lagu guuleystay in xabad joojin la kala dhex-dhigo kadibna la kala qaado.
Guddoomiye kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Hir-Shabeelle Siraaji Sheikh Isaaq ayaa sheegay in sirasmi ah u kala qaadeen, isla markaana sidoo kale laga wada hadli doono waxa soo cel celiya colaada labada Beelood.
Degaannada ku yaal Waqooyi Galbees ee Magaalada Beledweyne ayaa waxaa kusoo laab laabtay dagaal Beeleedyada, waxaana dhowr jeer lagu guuleystay in heshiis laga gaaro balse markale uu dagaalka dhacay.














