Mareykanka Israel darteed si adag u cambaareeyey dalal awoodoodu sareyso.

Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Mareykanka, Senator Marco Rubio, ayaa si cad u cambaareeyay go’aanka ay Britain, Norway, Australia, Canada iyo New Zealand ku cunaqabataynayaan laba wasiir oo ka tirsan xukuumadda Israa’iil, kuwaasoo lagu eedeeyay hurinta rabshado ka dhan ah shacabka Falastiiniyiinta ee ku nool Daanta Galbeed.

Rubio ayaa ku tilmaamay tallaabadan mid aan wax ka tarayn dadaallada Mareykanka ee lagu doonayo xabbad-joojin degdeg ah oo laga gaaro dagaalka ka socda Marinka Gaza. Waxa uu xusay in xilligan adag ay muhiim tahay wada-shaqeyn iyo cadaadis la isku dheellitiro halkii laga qaadi lahaa tallaabooyin ay dalalka saaxiibada ah ku muujinayaan kala fogaansho siyaasadeed.

Go’aanka cunaqabataynta ayaa si rasmi ah Talaadadii ugu dhawaaqay shan dal oo kala ah: Australia, Canada, New Zealand, Norway iyo Boqortooyada Ingiriiska, kuwaasoo xannibaad dhanka socdaalka iyo hantida ku soo rogay Wasiirka Ammaanka Gudaha Itamar Ben-Gvir iyo Wasiirka Maaliyadda Bezalel Smotrich.

Dalalkan ayaa labada wasiir ku eedeeyay inay si toos ah uga mas’uul yihiin hurinta rabshado joogto ah, oo lagu beegsaday bulshada Falastiiniyiinta, taasoo horseeday xasillooni-darro sii baahaysa oo ka jirta Daanta Galbeed ee la haysto.

Sida lagu sheegay bayaanno kasoo kala baxay wasaaradaha arrimaha dibadda ee dalalkaasi, tallaabooyinkan waxay qayb ka yihiin dadaallo caalami ah oo lagu doonayo in lagu joojiyo xadgudubyada ka dhanka ah rayidka, loogana hortago sii xumaanshaha xaaladda bani’aadannimo ee gobolka.