Mareykanka oo duqeeyey goob ay Daacish ku suganyihiin.

War rasmi ah oo kasoo baxay Taliska Mareykanka ee Africom ayaa lagu xaqiijiyay in diyaaradahooda dagaalka ay duqeyn ka fuliyeen buuraleyda gobolka Bari ee Puntland, gaar ahaan deegaanka ku yaalla koonfur-bari magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku sugnaayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish. Duqeyntan ayaa qeyb ka ah dadaallada wadajirka ah ee Mareykanka, Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidanka Xoogga Dalka ay ku doonayaan in lagu wiiqo awoodda kooxaha xagjirka ah ee sida joogtada ah uga hawlgala gudaha dalka Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka Africom ayaa si cad u sheegay in howlgallada noocan oo kale ah ay muhiim u yihiin in laga hortago weerarro ka dhan ah shacabka Soomaaliyeed, ciidamada qaranka, iyo danaha Mareykanka ee gudaha iyo dibaddaba. Waxa ay sheegeen in iskaashigan milateri uu yahay mid sii socon doona, ilaa laga xaqiijinayo in kooxaha sida Al-Shabaab iyo ISIS-Somalia aysan mar dambe u suurtoobin inay khatar ku noqdaan ammaanka gobolka iyo danaha caalamiga ah.

Inkastoo Mareykanku aanu faahfaahin ka bixin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarka, haddana ilo wareedyo maxalli ah ayaa sheegay in duqeyntu ay ku beegneyd goob lagu tuhunsanaa in ay saldhig u ahayd maleeshiyaad ka tirsan kooxda Daacish. Buuraleyda Cali-miskaad oo ah halka duqeyntu ka dhacday, ayaa la ogyahay inay muddooyinkii u dambeeyay hoy u ahayd dagaalyahanno ka tirsan kooxdan, kuwaasoo inta badan halkaasi ku dhuumaaleysanayay.

Duqeyntan ayaa kusoo beegmeysa xilli ciidamada Puntland ay wadaan howlgallo ballaaran oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab ee sidoo kale ku sugan qeybo ka mid ah gobolka Bari. Wararka ayaa tilmaamaya in ciidamada ammaanka ay sare u qaadeen gulufka ka dhanka ah kooxaha argagixisada, iyagoo beegsanaya meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, una adeegsanaaya tababaro cusub iyo taageero ka timaadda saaxiibada caalamiga ah.

Sidoo kale, Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhowr jeer ku celisay in ay ka go’an tahay la dagaalanka argagixisada si loo xaqiijiyo xasillooni waarta oo ka hanaqaadda guud ahaan dalka. Duqeymaha Mareykanka iyo howlgallada wadajirka ah waxay muujinayaan isfaham xooggan oo u dhexeeya Soomaaliya iyo xulafadeeda, kuwaasoo doonaya inay si buuxda uga hortagaan khataraha amni ee ka imanaya kooxaha xagjirka ah ee dalka ka hawlgala.