Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, ayaa sheegay in ay muuqato rabitaan guud oo dhinacyada kala duwan ay ku doonayaan in heshiis nabadeed laga gaaro Qasa, isaga oo rajo xooggan ka muujiyay in kulanka uu maanta oo Isniin ah la yeelanayo Ra’iisul Wasaaraha Israel, Benjamin Netanyahu, uu horseedi doono guulo muuqda.
Wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Reuters isagoo khadka taleefoonka kula hadlay, Trump waxa uu sheegay in uu ka helay “jawaab aad u wanaagsan” dowladda Israa’iil iyo sidoo kale hoggaamiyeyaasha Carabta ee gobolka ku sugan, taas oo ku saabsan hindisaha nabadeed ee uu dhiirrigelinayo.
“Qorshuhu ma aha oo keliya mid ku saabsan Qasa, balse wuxuu taabanayaa arrin ballaaran oo ku saabsan sidii nabad waarta looga gaari lahaa Bariga Dhexe oo dhan,” ayuu yiri Trump, isaga oo muujiyay in qorshihiisa nabadeed uu ka gudbayo xuduudaha hal goob oo keliya.
Dhanka kale, madaxweynuhu waxa uu Axaddii ku sheegay hadal kale in ay jirto “fursad dhab ah” oo lagu gaari karo guulo waaweyn oo ku saabsan nabadda Bariga Dhexe, taas oo haddii la hirgeliyo beddeli doonta mustaqbalka siyaasadeed iyo amni ee gobolka.















