Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa aqoonsatay doorashadii Madaxweynaha Galmudug loogu doortay Axmed Qoor Qoor taas oo Maanta ka dhacdey Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.
War-Saxaafadeed laga soo saarey Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa loogu hambalyeeyey Madaxweynaha Cusub ee Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) waow doorashadaad ay dad badan diideen.
Sidoo kale Qoraalka ayaa lagu sheegay in wixii hadda kad ambeeyey la bilaabi doono wada-hadal ku saabsan sidii xal waara looga gaari lahaa khilafka ka dhashay doorashada maamulka Galmudug.
“Howlaha ka socda Galmudug waa bilowga geedi socodka dib u heshiisiinta sal ballaaran leh,waxaana ugu baaqeeynaa qof walba in uu qey ka noqdo wada-hadal nabadeed,isla markaana uu ka fogaado wixii keeni kara khalalaaso ayuu yiri”Amb Doland Yamamoto,
Hoos Ka Akhriso qoraalka kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho.















