Hadal heyn xooggan ayaa ka dhalatay qorshaha Mareykanka ee Safaaraddiisa Kabul kaddib markii isbadal uu ku yimid riyadiisa Afghanistan oo ahayd in uu ciidan kooban kusii hayo dhismaha Safaaradda si ay ula shaqeeyaan Dowladda.
Mareykanka oo maankiisa ku haya tallaabadaas ayaa isbadal degdeg ah ka dhashay dalka Afghanistan, Taliban oo dhul ballaarsi ka sameysay Gobollada ayaa todobaadkii hore qabsatay Magaalada Kabul, waxaa dalka isaga cararay Madaxweyne Ashraf Ghani.
Dhismaha Safaaradda Mareykanka ee Kabul waxaa qiimo ahaan ku kacay $806 Milyan (Siddeed boqol & lex milyan oo doollar), waxa ay aad u shaqeyneysay 20-ka sano ee uu Mareykanka askartiisa ku hayay dalkaas.
Dhulka Safaaradda waa meel muhiim ah, waa aagga Mareykanka uu ugu yeeray qadka cagaaran oo uu ula jeedo in aanay fududeyn in si fudud loogu duso (Loogu gudbo) inkasta oo ay indhaha caalamku wada eegayaan.
Waxaa Tusaale loosoo qaatay Safaaraddii Mareykanka ee Muqdisho oo 1991-dii wixii ka dambeeyay Mareykanka aanay dib ugu soo laaban kuna howlgelin, dhulkaas waxa uu ku bixiyay dhaqaale badan oo uu ku dhisay.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Mareykanka way ka aamusan tahay tallaabada xiga safaaradda Mareykanka ee Afghanistan, khubaraduse waxa ay u badinayaan in albaabada la isugu dhufan doonno.
Aragtidooda waxa ay ku adkeynayaan in Tusaalaha u muuqda Mareykanka uu yahay dadkii la shaqeynayay labaatanka sanno waliba muwaadiniinta reer Afghanistan oo gidaarada Garoonka ka booday sabab la xiriirta cabsi ay ka qabaan Taliban.
Haddii ay dhacdo in Mareykanka uu xiro Safaaradda waxa uu dhuminayaa xiriirka Afghanistan maadaama maamulkii la shaqeynayay uu meesha ka baxay, Taliban wadahadal aanay kala dhaxeyn & Dadka oo ka cabanaya in lagu tuhmo dhankiisa.
Qoraallo & maqaallo kala duwan ayaa si is daba-joog ah looga qoray guuldarrada Siyaasadeed ee Mareykanka uu ka dhadhamiyay dalka Afghanistan, maadaama sidii uu qorsheyanay muddo dheer aanay wax u dhicin.
Ma sugna Mustaqbalka dhismaha Safaaradda oo ilaa haatan qorshaha socda qayb kama aha in laga fikiro sidii loo ilaalin lahaa ama ugu yaraan tallaabo cusub loo dejiyo sida ay ku doodayaan Khubarada naqshaddeynta Safaaradda & diblumaasiyiin kale.
Waxa ay sidaas u dhahayaan ayaa ah in isbadalka degdega ee dhanka Maamulka ah uu abuuray welwel la xiriira in marka hore la daadgureeyo Reer Galbeedka & Muwaadiniinta Afghanistan ee ka cabsanaya Taliban.
Barbara Nadel oo ah Agaasimaha Shirkad dhismaha ah oo fadhigeedu yahay New York sidoo kale ah Haweeney qoraa ah ayaa sii shaqeynta Safaaradda ku xirtay Amniga iyo hadba sida uu xaalka noqdo.
“Tobankii sano ee u dambeysay horumar wanaagsan ayaa laga gaarayay nabadgalyada Safaaradaha Mareykanka iyada oo maanta lagu hayo weerarkii lagu qaaday Kuwii ku yaallay Daarusalaam Tanzania & Nairobi Kenya 1998-dii” sidaasi waxaa tiri Barbara Nadel.
“Waxaa jira dad doonaya in ay burburiyaan dhismayaasha, balse ilaalintooda waa astaanteenna, waxaana tusaale ah weerarkii lagu qaaday Mareykanka 11-kii September 2001 ee lagu burburiyay Daarihii ganacsiga ee mataanaha ahaa ee New York & Washington” ayay qoraalkeeda sii raacisay.














