Markab la sheegey in DF u raranyahay oo Puntland xeebaheeda ay ku qabatey.

Cutubyo ka tirsan ciidanka badda ee PMPF (Puntland Maritime Police Force) ayaa gacanta ku dhigay markab lagu sheegay inuu sido shixnad hub oo aad u baaxad weyn, oo ay ku jiraan gaadiid dagaal oo gaashaaman, beebayaal casri ah iyo qalabyo milatari oo tiro badan oo dhammaantood wata calaamadaha dowladda Turkiga. Markabkan ayaa la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Muqdisho.

Guddoomiyaha gobolka Raascaseyr, Mudane Cumar Cismaan Siciid, ayaa si cad u xaqiijiyey qabashada markabka, isagoo sheegay in ciidamada badda ee Puntland ay si degan u wadaan baaritaan lagu ogaanayo ujeeddada rasmiga ah ee shixnaddan hubka ah.

Qabashada markabkan ayaa imanaysa iyadoo xiriirka milatari ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga uu marayo heer sare, iyadoo Ankara ay bixiso tababarka, qalabka iyo taageerada sirdoonka ee ciidamada Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan waxay dhalisay su’aalo badan oo ku saabsan hab-maamulka hubka, xiriirka Dowladda Federaalka iyo dowlad-goboleedyada, iyo cidda si rasmi ah loogu talagalay shixnadda hubkan culus.