Markab xamuul ah oo siday xoolo nool ayaa la qabtay isagoo kusii jeeday xeebaha dalka Yemen 24-kii Luulyo 2025, taasoo dhalisay walaac cusub oo ku saabsan ammaanka maraakiibta ganacsiga ee marinaya Badda Cas, gaar ahaan agagaarka Jasiiradaha Hanish ee u dhow magaalada Mocha. Markabkan oo lagu magacaabo Merinos Livestock isla markaana leh awood xamuul oo gaaraysa 2,200 tan, ayaa ka baxay dekedda Boosaaso ee Puntland isagoo la sheegay in uu ku socday magaalada Jeddah ee Sacuudi Carabiya, balse uu si lama filaan ah u damiyay qalabkiisa raadraaca (AIS), arrintaasoo keentay in laga shakiyo dhaq-dhaqaaqiisa.
Dadka deegaanka ayaa soo sheegay in markabku marayay goob bartilmaameed u ah kooxda Xuutiyiinta, taasoo sababtay in ay la socdaan dhaqdhaqaaqiisa, ugu dambeyntiina keentay in la qabto. Sida ay wararka qaar sheegayaan, markabku waxaa lagu qabtay biyaha u dhow Jasiiradaha Hanish, qiyaastii 30 mayl badeed u jirta magaalada Mocha, halkaasoo la sheegay in hal doon oo alwaax ah oo rasaas fudud ku furaysa uu hor istaagay, isla markaana uu markabku amar lagu siiyay inuu ku leexdo dekedda Mocha.
Warbixin ay soo saartay xarunta la socodka maraakiibta ganacsiga badda ee UK (UKMTO) ayaa sheegtay in markabku uu hadda gacanta ugu jiro ciidamada ilaalinta xeebaha Yemen. Ilaa iyo hadda kooxda Xuutiyiinta kama aysan hadlin dhacdadan, mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qabashada markabka.
Dhanka kale, wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in markabka markii dambe la sii daayay, inkasta oo aysan jirin faahfaahin rasmi ah oo laga helay xaaladda markabka iyo haddii uu sii wato safarkiisii ganacsi ee Jeddah. Hay’adaha ammaanka badda ayaa sii wadaya la socodka xaaladda, iyagoo sare u qaaday feejignaanta la xiriirta ammaanka maraakiibta ganacsiga ee marinaya badda u dhaxeysa Geeska Afrika iyo Yemen.















