Markabkii sahminta shidaalka oo dalka ka tagey iyo xukuumada oo war ka soo saartey

Markabka Sahminta Shidaalka ee Oruç Reis oo laga leeyahay dalka Turkiga ayaa maanta si rasmi ah uga ambabaxay dekedda magaalada Muqdisho, kaddib muddo sagaal bilood ah oo uu baaritaan ku sameynayay biyaha badda Soomaaliya.

Markabkan oo qeyb muhiim ah ka ahaa xoojinta iskaashiga dhanka tamarta ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, ayaa waxaa sagootiyay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyo Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga kaalinta muuqata ee ay ka qaadatay sahaminta khayraadka dabiiciga ah ee dalka, isaga oo tilmaamay in dadaallada la xiriira baarista shidaalka ay qeyb ka yihiin istaraatiijiyadda dowladda ee ku wajahan horumarinta dhaqaalaha iyo madax-bannaanida dhanka tamarta.

Markabka Oruç Reis ayaa tan iyo 25-kii Oktoobar 2024 sahamin ka waday badda Soomaaliya, isagoo maanta si rasmi ah u soo gabagabeeyay hawlgalkiisii sahminta, kaas oo socday muddo 234 maalmood. Intii uu hawlgalku socday, markabku wuxuu xog 3D seismic ah ka ururiyey saddex qaybood oo ka tirsan badda Soomaaliya, isagoo daboolay dhul-badeed cabirkiisu dhan yahay 4,464 kiiloomitir laba jibbaaran.

Sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay maanta oo Axad ah, 15-ka Juun 2025, soo saartay Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Dabiiciga ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaa si rasmi ah loo soo gabagabeeyay wejigii koowaad ee sahaminta shidaalka badda Soomaaliya, iyadoo hawlgalkan uu fuliyay Shirkadda Turkish Petroleum (TPAO) oo adeegsanaysay markabka Oruç Reis.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa lagu caddeeyay in sahanka lagu ururiyey xog muhiim ah oo ka timid gunta hoose ee badda Soomaaliya, kuwaas oo hadda lagu samaynayo falanqeyn cilmiyeed si loo ogaado tirada ceelasha shidaalka iyo awoodda ay leeyihiin.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in tallaabadan ay qeyb ka tahay dadaalka dowladdu ku doonayso in si hufan, caddaalad leh, loona daneynayo bulshada, loo soo saaro khayraadka dabiiciga ah ee dalka. Waxay sidoo kale shaacisay in marka xogta la dhammeystiro, natiijooyinka lala wadaagi doono bulshada Soomaaliyeed, si loo bilaabo wajiyada xiga ee sahminta iyo maalgelinta shidaalka.