Marwada Koowaad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Marwo Zamzam Mahad Cabdiraxman ayaa maanta ka qeyb gashay Munaasabadda Xuska maalinta Haweenka Adduunka ee 8-da Maarso oo ka dhacday magalada baydhabo,
Marwo Zamzam Mahad Cabdiraxman ayaa bogaadin, duco iyo mahadcelin u jeedisay haweenka Soomaaliyeed ee sooyaalka Dalkeenna kaga jira baal dahab ah Gaar haan kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Marwada ayaa xustay qaar ka mid ah haldoorka Haweenka Soomaaliyeed oo tusaale muuqda u ah kaalinta haweenka ee dib u dhiska iyo samata bixinta dalka, iyada oo guud ahaan haweenka Soomaaliyeed ugu hambalyeysay maalintan caalamiga ah ee loo asteeyey u qareemidda Xuquuqdooda.
Marwada Koowaad ee Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa dul-istaagtay duruufaha iyo masiibooyinka dabiiciga ah ee soo wajaha dalkeenna iyo saameynta gaarka ah ee ay ku yeeshaan haweenka iyo dhalllaanka Soomaaliyeed ,Marwada ayaa ku baaqday in la xoojiyo isku tashiga, is-garab istaagga iyo midnimada haweenka Soomaaliyeed oo aasaas u ah xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran.































