Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha dowladaha hoose iyo dib u heshiisiinta Dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Mohamed Abukar Cabdi Guddoomiyaha Maamulka gobolka shabeelaha hoose Ibraahim Najah iyo masuuliyiin kale ayaa kormeerey mashaaricyadda laga fuliyey degmada Marka Cadeey,
si loo xoojiyo isla-xisaabtanka iyo kor-joogteynta mashaariicda lagu fuliyey degmada Marka waxay kormeer ay ku sameeyeen Suuqyada Qudaarta iyo Hilibka, Schoolka Sare xarunta Maamulka Marka oo ka mid ah Mashaaricda lagu fuliyey degmada ,Sidoo kale waxay booqadeen Isbitaalka Gobolka oo ay ku jiraaan bukaano kala duwan,
Ugu danbeyntii, wasiirka arrimaha gudaha iyo masuuliyiintii la soctay ayaa waxay shir looga hadlayay Amniga iyo xasilinta Degmooyinka Marka iyo Qoryooley la qaateen Gudoomiyaasha degmooyinkaas ayagoona warbixino la xiriira Shaqooyinkooda.soo bandhigay,



















