Masuul ka tirsanaa Puntland oo Cudurka Coronavirus u geeriyooday

Alle ha u Naxariistee waxaa Magaalada Muqdisho ku geeriyooday Wasiirkii deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo mudooyinkii u dambeeyey ku xanuun sanayay Muqdisho.

Wasiirka ayaa dhawaan laga keenay Magaalada Garoowe,waxaana sida la sheegay haayay xanuunka Coronavirus,iyada oo xaaladiisa Caafimaad lagula tacaalayay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Mas’uuliyiin ka tirsan dowlad Goboleedka Puntland ayaa xaqiijiyey geerida,iyaga oo u tacsiyadeeyay Ehellada Wasiirkii deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo u geeriyooday Cudurka COVID-19.

Alle ha u Naxariistee Wasiirkii deegaanka iyo beeraha Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid ayaa waxaa la sheegay in saameyn hab-dhiska neefsashada ah uu ku reebay Cudurka oo uu muddo uu la jiifay Magaalada Garoowe,waxaana uu kamid ahaa wasiiradii uu Magacaabey Madaxweyne Deni sidoo kale uu la soo Shaqeeyay Dowladii Kacaanka,isaga oo ka tirsanaa Wasaaradda Waxbarashada iyo Deeqaha Qaranka.

Horay ayaa waxaa Cudurka Coronavirus u geeriyooday wasiiro ka tirsanaa Dowlad goboleedka Hir-Shabeelle, Shacab iyo dad kale,waxaana jira dad weli uu Cudurka haayo oo ku sugan muqdisho iyo gobolada dalka.