Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sameeyay isbeddel ballaaran oo lagu cusbooneysiinayo hoggaanka Maamulka Gobolka Banaadir, isagoo xilkii ka qaaday Guddoomiye ku xigeenkii howlaha guud ee gobolkaasi, Xasan Maxamed Jimcaale. Bedelkiisa, Madaxweynaha ayaa xilkaas u magacaabay Cabdimajiid Daahir Aadan, oo ah wiil dhalinyaro ah, kuna cusub masraxa siyaasadda dowladda hoose.
Magacaabista cusub ayaa timid iyadoo dhawaan uu madaxweynuhu xilka ka qaaday xoghayihii guud ee Gobolka Banaadir, taasoo muujineysa in Villa Soomaaliya ay waddo qorshe lagu dardargelinayo isbeddelada maamulka caasimadda, loogana golleeyahay in dhalinyarada fursad cusub loogu furo ka qaybgalka hoggaanka dalka.
Xafladdii xilwareejinta ayaa maanta lagu qabtay xarunta maamulka Gobolka Banaadir, waxaana si rasmi ah xilka loogu wareejiyay Cabdimajiid Daahir Aadan. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Xasan Maxamed Xuseen “Muungaab”, ayaa hoggaamiyay xafladda, isagoo si rasmi ah xilka uga wareejiyay Xasan Maxamed Jimcaale oo xafiiska banneeyay, kuna wareejiyay mas’uulka cusub.
Muungaab ayaa si diirran ugu mahadceliyay guddoomiye ku-xigeenkii hore shaqadii uu kasoo qabtay muddadii uu xilka hayay, waxaana uu dhanka kale guddoomiye ku-xigeenka cusub kula dardaarmay inuu si hufan u gutto waajibaadkiisa, islamarkaana uu dhiirrigeliyo hal-abuurka, isla markaana uu dadaal u galo horumarinta adeegyada howlaha guud ee Caasimadda.
Cabdimajiid Daahir Aadan ayaa noqonaya mid ka mid ah mas’uuliyiinta da’da yar ee ku soo biiraya maamulka Gobolka Banaadir, taasoo lagu tilmaamay talaabo dhiirrigelin u ah jiilka cusub, si ay door muuqda ugu yeeshaan dowladnimada dalka. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si cad u muujiyay sida ay muhiim u tahay in fursad loo siiyo dhalinyarada waxbaratay ee kartida leh, si loo helo maamul casri ah oo ku dhisan hufnaan, firfircooni iyo aragti fog oo ku wajahan horumarinta Caasimadda Muqdisho iyo guud ahaan dalka.














