Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ay wehliyeen Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Dhulka, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe, saraakiil ciidan iyo masuuliyiin kale ayaa maanta booqasho ku tagay furimaha dagaalka ee gobolka Shabeellaha Dhexe, gaar ahaan deegaanka Xaaji Cali ee hoos yimaada degmada Cadale.
Mas’uuliyiintan ayaa si dhow u kuur-galay xaaladda ciidamada ku sugan jiidda hore, iyagoo dhiirrigelin iyo bogaadin u jeediyay geesiyaasha qaranka ee habeen iyo maalin u taagan difaaca dalka. Waxay halkaas ka dhageysteen warbixin dhammaystiran oo ku saabsan xaaladda dagaalka, dhaq-dhaqaaqa ciidanka, iyo istiraatiijiyadda lagu baacsanayo kooxaha Khawaarijta ee weli ku dhuumaaleysanaya deegaannada gobolka.
Wafdigan ayaa muujiyay in dowladda federaalka iyo shacabka Soomaaliyeed ay garab adag u yihiin ciidamada, ayna ka go’an tahay in dagaalka socda ee ka dhanka ah Khawaarijta la sii xoojiyo, ilaa dalka oo dhan laga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. Waxay shacabka ku dhiirrigeliyeen in ay ka qeyb qaataan taageerada ciidanka, si loo xaqiijiyo nabadda iyo xasilloonida guud ee Soomaaliya.














