Maxa looga Hadley Kulanka Dhaxmaray Laftagaren & James Swan?

Magaalada Baydhabo waxaa maaanta gaaray saraakiil ka socotay Qaramada Midoobe oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socda Hay’adaha IOM iyo OCHA.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxa uu kulan kula qaatay Wafdi uu Hogaaminayey Wakiilka Qaramada Midoobey Uqaabilsan Arimaha Soomaaliya James Swan oo Wafdigiisa ay Qeyb ka ahaayeen Madax ka Socday Hay,addaha IOM iyo OCHA

Kulanka ayaa inta uu Socday Waxaa looga Hadlay Arimaha Gargaarka,Saamaynta Ayaxa,iyo Arimaha Doorashooyinka.

Saraakiisha ayaa la kulmay Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen iyo golahiisa wasiirrada, iyagoo kala hadlay taageerada hay’adaha Qaramada Midoobay ee arrimaha dib u heshiisiinta, gargaarka bani’aadannimada, horumarka iyo deegaanka.

James Swan”waxaan halkan u nimid inaan dhageysanno waxa uu maamulka Koonfur Galbeed ka rajeynayo Qaramada Midoobay 2021-ka si aan uga wadashaqeyno sidii loo xaqiijin lahaa baahiyaha dadka” ayuu yiri, ergeyga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan, oo hadlayey kulanka kaddib.