Maxa looga Hadley Shirka Golaha Wasiirada KG?:-SAWIRRO

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen ayaa Shir Gudoomiyey Shirka Khamiislaha Golaha Wasiirada Dowlada Koonfur Galbeed oo Todobaadkan looga hadlay Arimaha Amniga,Garsoorka,Fatahadkii Webiga Shabeele ee Degmada Afgooye,iyo Qodobo kale oo ay kamid ahayeen Hindise sharciyeedka Xeerka Nidaamka Garsoorka Maxkamadaha Ciidamada Qalabka Sida ee Koonfur Galbeed oo ay soo gudbisay Wasaarada Cadaalada iyo Arimaha Garsoorka Dowlada Koonfur Galbeed

Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta gareen oo Warbixino kala Duwan ka dhageystay Golaha Wasiirada ee ka qeybgalay kulanka ayaa uga Warbixiyey Safarkii qaatay mudo labo todobaad ah islamarkaana uu ku tagay Magaalada Muqdisho inuu ahaa Mid lagu soo Gaaray Guusha Jiheynta Arimaha Doorashooyinka Dalka ee lagu Goamiyey in Doorashada Ay ku dhacdo Waqtigeeda Madaxweynaha ayaa Golaha Wasiirada ku bogaadiyey inay sii laba jibaaran Adeegyada lagu Hormarinayo Dadka iyo Deegnka Si looga Miradhalo Himilooyinka Shacabka.