Waxaa maanta lagu wadaa inuu dhaqan galo go’aankii ay shalay soo saartay dawladda federaalka ee Soomaaliya, kaas oo ay ku joojisay duullimaadyadii gudaha ee dalka.
Dowladda ayaa go’aankeeda waxa ay ku sheegtay inuu qeyb ka yahay dedaallada ay ku doonayso inay ku xakamayso fayraska corona ee dunida ku sii baahaya.
Go’aanka dowladda ayey tahay in lagu fuliyo wax ka yar 24 saacadood taas oo dhibaato ku keeni karta dadkii markii hore safarradooda sii qorshaystay iyo shirkadaha diyaaradaha, mar umuurtaasi wax laga weeydiiyey wasiir Oomaar uu sheegay inay ku dedaalayaan badqabka dadka ay mas’uulka ka yihiin.
“Runtii hal maalin oo safar la fasaxo ayaa waxaa ka iman karo wax aad u weyn, marka hadda xilligan aan ku jirno xilli laga hadlo tikidyo lacagtooda lumay iyo waxaa laga hadlo ma aha waa xilli loo baahan yahay xilli in la isgarab istaago, la isu dulqaato, la fiiriyo danta guud iyo badqabka dadkeenna.” ayuu yiri Oomaar.
Waxaase jira walaac guud oo ku saabsan in go’aankani uu saameyn doono nolol maalmeedka kumannaan Soomaali ah, kuwaas oo isaga kala gooshi jirey caasimadda iyo gobollada.
Duullimaadyada gudaha ee Soomaaliya ayaa dad badan oo ah inta awoodda waxa ay u sahleen inay si fudud ugu kala gooshaan magaalooyinka gudaha dalka, maadaama inta badan waddooyinka dalka ay burbursan yihiin, meelaha qaarna aan ammaankooda la isku halayn karin.














