Waxaa weli Xarunta Madaxtooyada ka socda kulamo xal loogu raadinayo khilaafka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble.
Kulamada ayaa waxaa intooda badan yeeshay guddiyo ka kala socda labada dhinac, waxaana qaarkood xal laga gaaray qodobada qaar ee leysku haayay halka weli waar kale ay harsan yihiin
Wararka saacadihii la soo dhaafay soo baxayay ayaa waxaa ay sheegayeen in inta badan la isku fahmay waxyaabo ay kamid yihiin arrinta Agaasimaha Hay’adda NISA, arrinta kiiska Ikraan Tahliil iyo qodobkii ugu adkaa ee Wasiirka Amniga Cabdullaahi Maxamed Nuur oo xubnaha ka socda dhinaca Madaxweynayaha ay dalbadeen in wasaarad kale loo wareejiyo.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa kor kala socda kulamada guddiyada, iyaga oo mararka qaar faragelin ku sameeynayay.
Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoogan saareysa madaxda is khilaafay, iyaga oo ka digaya in khilaafka uu isku bedelo gacan ka hadal sidoo kale uu dib u dhigi karo howlaha doorashooyinka ee socda.














