Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir ayaa sheegay in maxkamadda awoodda u leh loo gudbin doonno Kiiska wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda oo hey’adha Fullinta Sharcigu ay baaritaanno ku wadaan hadda.
Waxaa uu sheegay in hanti dhowraha Qaranka uu soo gudbiyay eedeymo ka dhan ah Wasiir ku xigeenka.
Axmed Daahir ayaa sheegay in Maxkamadda Gobolka Banaadir ay u gudbiyeen Kiiska Wasiirka.
Cidkaste oo lagu eedeeyay Xatooyo xoolo dadweyne ayuu xusay in sharciga la marsiin doono.














