Maxaa Looga Hadlay Kulankii Madaxweyne Waare Iyo Lafta-Gareen

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa habeenkii xalay aheyd kulan gaar ah ku yeeshay Madaxweyneyaasha dowlad Goboleedyada Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hirshabeelle oo dhawaan soo gaaray Caasimadda.

Kulanka oo socday saacado dhowr ah ayaa waxaa uu ahaa mid la xiriira is xog-wareysi dhexmaray Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare iyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen, sidoo kalena looga hadlay arrimo kala duwan.

Madaxtooyada Hirshabeelle qoraal ay soo saartay ayaa waxaa ay ku sheegtay in kulanka Madaxweyneyaasha looga hadlay xaaladaha siyaasadeed ee dalka, marxalada kala guurka iyo Shirka saacadaha soo socda u furmaya Dowladda iyo M/Goboleedyada.