Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta shir gudoomiyey shirka Khamiislaha ee Gollaha Wasiiradda kaas oo todobaad walba la qabto.
Shirka ayaa waxaa todobadkaan looga hadlay Arimaha Amniga, Xakamaynta Cudurka Covid19, iyo Dardargelinta Qorshiyaasha loogu adeegayo Shacabka ku nool degaannada Koonfur Galbeed.
Xubnaha Golaha wasiirada Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay warbixinada todobadka ka jeediyeen shirka, iyaga oo soo bandhigay waxyaabihii u qabsoomay iyo kuwa u qorsheeysan.
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen aya faray xubnaha Golaha wasiirada inay dardar geliyaan howlaha dag oo ay u hayaan bulshada ku nool degaannada Koonfur Galbeed..
Golaha wasiirada Dowlad Goboleedka Koonfur galbeed oo todobaad walba shira ayaa waxaa ay kulankooda diirada kusoo saaraan dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee ka dhaca degaannada Maamulkaas iyo guud ahaan Soomaaliya.














