Maxaabiis Alshabaab ah Oo ka baxsadey Xabsiyada Nairobi

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in Xabsi kuyaal Magaalada Nairobi ay ka baxsadeen Saddex Rag ah oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al-Shabaan ee ka dagaaalama Gudaha Soomaaliya.

War kasoo baxay Ciidamada waaxda dambi baarista Kenya ayaa waxaa lagu sheegay in ay baadi goobayaan Saddexda ragga ah oo muddo ku xirnaa xabsiga wayn ee Kamiti ee magaaalada Nairobi, hayeeshee baxsaday.

Ragga lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ee baxsaday ayaa waxaa Waaxda dambi baarista Booliska Kenya ee ( DCI) magacyadooda ku sheegeen Musharaf Cabdalla, Maxamad Cali Abikar iyo Joseph Juma Odhiambo, balse Warbixinta Booliska ayaan lagu cadeyn sababta suurto gelisay inay raggaas Xabsiga sida weyn loo ilaaliyo ka baxsadaan.

Dowladda Kenya ahaa sidoo kale shaacisay in lacag dhan 60 milyan oo shilin la siin doono laguna abaal marin doono cidii soo gudbisa xog fududeyn karta si gacanta lagu soo dhigo eedeysanayaasha.

Maxamed Cali Abiikar, wuxuu ku xukannaa 41 sano oo xarig ah, waxaana lala xiriiriyay in uu ka tirsanaa Al Shabaab, waxaana loo heystay weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa 2015 oo ay ku dhinteen ku dhawaad 150 qof.

Musharraf Abdalla Akhulunga, waxaa la xiray sanadkii 2012-kii kadib markii la fashiliyay isku day uu qeyb ka ahaa oo la doonayay in lagu qaado baarlamaanka Kenya, waxaana lagu soo oogay dacwad in uu heystay hub iyo waxyaabaha qarxa.

Joseph Juma Odhiambo, ninkan ayaa la xiray markii la sheegay in qorayay dhalinyaro si ay ugu biiraan Al Shabab, waxaana lagu xiray magaalada Beled Xaawo ee ku taalla xadka Soomaaliya iyo Kenya.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan Gudaha Kenya aya dhowr jeer Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka fuliyeen weeraro toos ah iyo qaraxyo, iyada oo sidoo kale dowladda Kenya ay xirxirtay dad lagu eedeynayo inay la Shaqeeyaan Al-Shabaab.