Maxay Ka Wada Hadleen Madaxweynaha Galmudug Iyo Donald Yamamoto

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa inta uusan shalay ka ambabixin Magaalada Muqdisho kulan la qaatay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Maraynkanka Danjire Donald Yamamoto.

Labada masuul ayaa ka wada hadlay arrimaha Galmudug iyo xaaladda siyaasadeed ee dalka, iyagoo si gaar ahna uga wada hadlay rrrimo la xiriira Doorashooyinka 2020-2021 iyo Dhammeystirka heshiiskii Dhuusamareeb-3.