Maxay kawada hadleed Laftagareen iyo Sheekh Shariif-SAWIRO

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka kulan kula qaatay Madaxweynihii hore Dalka Mudane Shekh Shariif Shekh Axmed.

Kulanka Madaxda oo qaatay Saacado ayaa waxaa ay iska xogwaraysteen Xaalada Dalka Hormarka laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sida hore loogu socon lahaa

Madaxweynihii hore Dalka Mudane Shariif Shekh Axmed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wada ogol ah horena loogu socon lahaa.