Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa Maanta oo Khamiis ah ku dhawaaqday in wax dambi ah ay ku weeysay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon oo muddo ku dhow lix Bilood u xiran Somaliland, hayeeshee xeer ilaalinta au racfaan ka qaadatay go’aanka Maxkamadda.
Wariyaha ayaa dhowr jeer Maxkamad la soo taagay, iyada oo la sheegay inay dacwad uga timid Iskuulka Abaarso sidoo kalena uu u gefay Madaxweynaha Somaliland balse aysan jirin wax xukun ah oo lagu riday.
Wareenka u doodayay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Jamaal Mandeela ayaa sheegay in Cabdi Maalik lagu soo eedeeyay 5 fal dambiyeed balse Maxkamaddu cadeyn ku weeysay, isla markaana ay soo dhaweeynayaan go’aanka Maxkamadda una arkaan mid cadaalad ah.
Sidoo kale wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in dhamaan dacwadaha xeer ilaalinta Cabdi Maalik kusoo oogtay ay tahay kuwii loo xukumay sanadkii 2019-kii oo u badan Warbixinada uu ka qorayay Iskuulka Abaarso.
Ugu dambeyn Qareen Mandeela wuxuu sheegay inay aad uga xun yihiin racfaanka ay qaadatay Xeer ilaalinta ee lagu sheegat in weli Coldoon uusan helin xorriyadiisa uuna sii xiran yahay.
Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ayaa dhowr jeer oo hore sidaan oo kale loo xiray, waxaana marar badan lagu kala xukumay Xukuno kala duwan oo Xabsi ah.














