Meydka Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya oo laga dejiyay Garoowe

Waxaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe laga dejiyay meydka Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax, saalaadda janaasada ayaa saaka looga soo tukaday magaalada Muqdisho.

Haatan, waxaa lagu aasayaa Garoowe iyadoo aaskiisa ay ka qeybgalayaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya oo uu kamid yahay Ra’iisul Wasaare Kheyre, Gudoomiyaha Aqalka sare & Xubno kale.

Ammaanka Magaalada Garoowe ayaa Maanta aad loo adkeeyay,waxaana wadooyinka Magaaladaas lagu arkayaa Ciidamo farabadan oo ka tirsan kuwa Puntland,kuwaas oo amniga siwyen u xaqiijinaya.