Waxaa Maanta Burburin lagu Sameeyey Buundada Isha Baydhabo oo Burburkii Dalka Ka dib wax Dayactir ah lagu Sameynin ayaa Maanta lagu Bilaabey Dib udhis Ballaaran .
Buundadan ayaa Muhiim u ah Isu Socodka Gawaarida iyo Shacabka waxaana ay Ku talaa halBowlaha Magaalada,
Dadka Shacabka ah iyo Gawaarida yaryar ayaa loo sameeyey waddo yar oo ku meel gaar ah,
Waxaana inta uu Dhismaheedu Socodo Bulshada ay la kulmi doonan Saameyn Dhanka isu socodka ah.
Buundada ayaanan wax Dayactir ah aan lagu sameynin tan iyi Burburkii dowladii dhexe ee Dalka waxaana ay noqotey mid Duqowdey oo halis ay ugu jirtey in ay dunto,
Gaadiidka waaweyn ayaa sanadahan dambe isticmaalka wadadaasi ee Buundada isha Baydhabo laga joojiyey iyadoo kooga Baqayey in ay la go’do maadaamaa ay aad u Daxaleysatey














