Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika ayaa si rasmi ah u shaaciyay in la kordhiyay joogitaanka ciidamada Burundi ee ku sugan Soomaaliya, iyagoo sii joogi doona muddo lix bilood oo dheeraad ah. Tallaabadan ayaa beddeshay qorshihii hore ee la filayay in dhammaan ciidamada Burundi ay ka baxaan dalka ugu dambeyn 30-ka June 2025.
Go’aankan ayaa kasoo baxay kulan muhiim ah oo ay yeesheen xubnaha Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, kaasoo lagu falanqeeyay xaaladda cusub ee soo wajahday howlgalka cusub ee AUSSOM — oo lagu beddelayo howlgalkii ATMIS (African Union Transition Mission in Somalia).
Midowga Afrika ayaa sheegay in dib u dhacyo muuqda ay ka yimaadeen waddamada la filayay inay ciidamada cusub ka keenaan, gaar ahaan dalka Masar, taasoo keentay in aan la gaarin heerkii diyaar garow ee loo baahnaa. Sidaas darteed, ayaa la go’aamiyay in ciidamada Burundi sii joogaan Soomaaliya si loo joojiyo farqiga ka dhashay dib u dhacaas.
Joogitaanka ciidamada Burundi ayaa muhiim u ah xoojinta dagaalka ka dhanka ah ururka Al-Shabaab iyo taageeridda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo sii wadaysa dadaalladeeda ku aaddan la wareegidda mas’uuliyadda amniga gudaha.
Kordhinta lixda bilood ah ayaa lagu micneeyay mid fursad siinaysa dalalka la filayo inay qayb ka noqdaan howlgalka cusub ee AUSSOM — si ay u dhameystiraan diyaargarowgooda dhanka ciidan, saadka iyo qorshe hawleedka.
Bayaan kasoo baxay Midowga Afrika ayaa hoosta ka xarriiqay in geeddi-socodka kala guurka ee ATMIS ilaa AUSSOM ay weli wajahayaan caqabado culus, oo ay kamid yihiin dhibaatooyinka dhaqaale, agab, iyo saadka ciidan, kuwaasoo si weyn u saameeyay jadwalkii la qorsheeyay.
Dalka Burundi, oo ka mid ah dalalka sida muuqata ugu horeeya ee ciidamo u diray Soomaaliya, ayaa tan iyo sannadkii 2007 door muhiim ah ka ciyaaray howlgalka nabad-ilaalinta Soomaaliya, gaar ahaan gobollada dhexe. Si kastaba ha ahaatee, dhowaan ayaa ay sheegeen inay ka baxayaan Soomaaliya sababo ay ku tilmaameen kuwo u gaar ah.
Go’aanka cusub ee Midowga Afrika ayaa muujinaya sida ay beesha caalamka ugu baraarugsan tahay baahida loo qabo xasilinta amniga Soomaaliya, xilli ay socdaan hawlgallo ciidan oo ballaaran iyo dadaallo siyaasadeed oo dalka lagu dejinayo.














