Midowga Afrika oo si weyn u soo dhaweeyay go’aanka Faransiiska ee ku aaddan aqoonsiga Dowladda Falastiin

Midowga Afrika ayaa si diirran u soo dhaweeyay go’aanka Dowladda Faransiiska ee ah inay si rasmi ah u aqoonsato Dowladda Falastiin, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid geesinimo leh oo horseedi karta horumar dhab ah oo laga gaaro khilaafka muddada dheer ka taagnaa Bariga Dhexe.

Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Mudane Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa si gaar ah u bogaadiyay hadalkii Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ee muujinayay rabitaankiisa ah in dowladdiisu aqoonsato Falastiin, isagoo ugu baaqay dowladaha kale ee caalamka, gaar ahaan kuwa reer Galbeedka, inay la mid noqdaan Paris oo ay garab istaagaan xaqa shacabka Falastiin u leeyahay dowlad madax-bannaan.

“Tani waa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka nabad waarta iyo xal siyaasadeed oo cadaalad ku dhisan, iyadoo lagu saleynayo qaraarada Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da sharciga caalamiga ah,” ayuu yiri Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.

Wuxuu xusay in Midowga Afrika mar walba u taagnaa taageeridda xalka labada dowladood, oo ah in Israa’iil iyo Falastiin ay si nabad ah oo siman ugu wada noolaadaan dhul xuduudo rasmi ah leh, iyada oo la dhowrayo xuquuqda iyo masiirka shacabka Falastiin.

Guddoomiye Maxamuud Cali Yuusuf ayaa ugu dambeyn ku booriyay beesha caalamka inay ku daydaan Faransiiska, ayna gacan buuxda ka geystaan xaqiijinta himilooyinka sharciga ah ee shacabka Falastiin oo muddo dheer wajahaya dulmi iyo tacaddiyo baahsan.