Midowga Musharaxiinta ayaa diiday habraacii ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaranka ee ahaa doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka, waxaana ay ku tilmaameen inuu khilaafsan yahay dastuurka dalka iyo heshiiskii 27 May oo dhigayay in doorashooyinka ay ku dhacaan si cadaalad oo xor iyo xalaal ah.
Midowga musharaxiinta ayaa dalbaday in 135 Odayaasha dhaqanka ay saldhig u noqdaan soo xulista Ergooyinka dooranaya Xildhibaannada.
Golaha ayaa sheegay in ay u arkaan habraaca in uu magaca kore ka wato doorasho balse uu yahay magacaabis.
Guriga Wararka Maanta Midowga Musharaxiinta oo diiday habraacii doorashada uu soo saaray golaha wadatashiga
















